Hargebka caruurta

Sorterad i Allmänmedicin, Egenvård av på november 14, 2022

Hargebka waa infekshan ku dhaca qeebta sare ee habdhiska neefsashada, oo loola jeedo, sanka, dalqada ama dhuunta. Intooda ugu badan waxaa sabab u ah fiiruska hargebka keena, waa iska tagaa iskiis. Hargebka waa infekshan ku dhaca qeebta sare ee habdhiska neefsashada, oo loola jeedo, sanka, dalqada ama dhuunta. Intooda ugu badan waxaa sabab u ah fiiruska hargebka keena, waa iska tagaa iskiis.

Hargebka aad buu ugu badan tahay caruurta, waana caadi in uu ku dhaco caruurta dad’doodu yaryar tahay ee aada xannaanada caruurta 6-12 jeer sanadkiiba. Caruurta xooga da’dooda waaweyn tahay waxaa caadi u ah inuu ku dhaco hargebka 4-6 jeer sanadkiiba.

Maadaama dadka waaweyn ee caruurta la jooga ay u sahlan tahay inay qaadaan hargebka, waxaa caadi u ah in 3-5 mar uu ku dhaco sanadkiiba, waxaana ula jeednaa markaan sidaas leenahay waalidiinta caruurta yaryar haysta, shaqaalaha ka shaqeeya xanaanada caruurta iyo waalidki waalidiinta sii dhalay. Xiliyada hargebka yimaado ama caadiga yahay waa bisha oktobar ilaa Abriil, sidee’daba wey u badantahay in la qaado hargebka laba jeer bishiiba.

 

Hargebka antibiyotikada laguma daaweeyo ,  sidaas darteeda waxa ugu fiican waa in caruurta ay nastaan ilaa hargebka iskiisa iska raysanaayo. Marmarka qaar waxaa soo gadan kartaa goojada sanka  lagu dhibciyo  ama daawada qandhada jibiso hadii loo baahdo. Waxaa la soo gadan karaa iyadoo aan dhakhtar kuu qorin. Hargebka waxuu  qofka haynayaa 7-10  maalmood. Sida loo qaado fayruska:
• Hawada ayuu gelaa fayrusku markii aan hadleeno, hindhiseyno ama qufaceyno.
• Markii aan gacanta si toos ah isku salaamno ama aan gacanta ku taabano shey/alaabta lagu ciyaaro ama afka.
• Ugu yaraan xoogaa maalmo ka dib inta uusan hargebka uusan dilaacin isku daarashada.

 

Astaamaha hargebka lagu garto maxaa ka mid ah?

• Sanka oo ku xirma, sanka oo wax ka soo dareera, indhaha guduud, dhuun xanuun iyo xumad (qandho) marmar ah.
• Inta badan qufac qallalan, xanuun lafta xabadka gadaasheeda ah, 24 saac ee ugu horeyso marmarka qaarkoodna isu bedela qofac xab wata.
• Inta badan dhowr maalmood kadib midabka diifku wuxuu isu bedelaa (huruud (jaalo)/cagaar jaalo ah). Midabka duufka waxaa keena difaaca infekshanka jirka ee sabab uma aha in infakshanku fayrus yahay ama bakteeriya yahay.

 

Sidee loo daaweeyaa Hargebka?

Hargebka antibiyotikada laguma daaweeyo , sidaas darteeda waxa ugu fiican waa in caruurta ay nastaan ilaa hargebka iskiisa iska raysanaayo. Marmarka qaar waxaa soo gadan kartaa goojada sanka lagu dhibciyo ama daawada qandhada jibiso hadii loo baahdo. Waxaa la soo gadan karaa iyadoo aan dhakhtar kuu qorin. Hargebka waxuu qofka haynayaa 7-10 maalmood.
Caruurta intooda ugu badan oo hargebka ku dhaca uma baahna in ay dhaqtarka u tagaan sababta oo ah dhibaatada iskeeda ayey iskaga tagtaa. Laakiin waxaa muhiim ah in la foojignaado sida uu caafimaadka (xaalada) canugu yahay.

 

Marka uu cunuga tabar daran yahay, uusan cayaari karin, cabitaana diido. Hadii cunugu uu ka yaryahay 12 bilood uuna leeyahay qandho ka sareysa 38 garaado. Hadii ilmo mardhow dhashay uu hargabeysan yahay isla markaasna ay ku adagtahay inuu naaska nuugo ama dhalada (masaasada) uu awoodi karin sababtuna ay tahay sanka oo xiran.Goormee waaye marka aad la xariireyso xarumaha caafimaadka

Marka uu cunuga tabar daran yahay, uusan cayaari karin, cabitaana diido.
Hadii cunugu uu ka yaryahay 12 bilood uuna leeyahay qandho ka sareysa 38 garaado.
Hadii ilmo mardhow dhashay uu hargabeysan yahay isla markaasna ay ku adagtahay inuu naaska nuugo ama dhalada (masaasada) uu awoodi karin sababtuna ay tahay sanka oo xiran.

Wixii intaas ka badan ka akhriso: Goormee la xairiiraa xarumaha caafimaadka!

 

 

 

Maqaalo kale :

Feber caruurta

Feberka caruurta (af-Swedhish)
Qufaca caruuta (af-Swedhish)

 

Xigasho:
Strama.se
Vårdguiden www.1177.se

Etiketter: , , , ,

Kommentarfunktionen är stängd