Hargeb – Influwensa – Fiiruska la isku daarto xilliga Qaboobaha

Sorterad i Allmänmedicin, Egenvård av på november 3, 2015

Man sjuk med influensa

Hargebka waa cudur dalka Sweden ku yimaada bilaha jiilaalka ee (oktober ilaa maarso) markaas ay sahlan tahay iney ku faafto hawada oo ah mid qabow oo qalalan. Sidaas darteeda waxaa lagu magacaabaa hargeb xilliyeedka oo sanad walba ay jiradaan dadweyna gaaraaya 2 ilaa 15 boqolkiiba. waxaa la gula taliyaa in ay is talaalaan dadka waayeelka ah, hooyada uurka leh iyo dadka waqtiga dheer jiranaa (jiroolayaasha).

Hargebka (influwensada) waxaa keena Firus

Influwensada waa cudurka firuska oo aad la isku qaadsiiyo oo inta badan faafa xilliga qaboobaha dhaxdiidsa. Inta bada dadka qaado waxaa leeyihiin qandho badan, madax xanuun, murqo xanuun, dhuun xanuun, qufac iyo xanuun indhaha oo gaduuta ama casaada. Influwensada iskiis ayuu iskaaga tagaa shan ilaa todobo maalmood kadib, mana lagu daaweyn karo antibiyootikada. Inta badan hargebka khatar ma wada aha, laakiin qaar ka mid ah ayaa keena caabuqa sanbabka nomooniyada (pneumoni) iyo caabuqa sanqada. Sidaas darteeda waxaan lagula talinaayaa in ay is talaalaan dadka difaacooda uu hooseeyo sababo cudurada keenay awgeed, hooyada uurka leh dadka da’da ah.

Hargebka firuskiika keena wuxuu ku faafaa hawada, tusaale ahaan markii qofka jiran uu qufaco, hindhiso ama neefta tuuro. Waxaa caadi ah in cudurku ku dhex faafo basaska, iskuulada, xanaanada caruurta iyo goobaha shaqada.

 

Sidaan ugu taxadar faafinta cuduka

• Mar walbo gacmaha iskaaga dhaq biyo iyo saabuun.
• Ka fogaaw taabadhada sanka, afka iyo ildhaha.
• Ka fogaaw qof aad ogtahay inuu jiran yahay

Sidee ugu taxadartaa in uusan ku faafinta cudurka dadka kale

• Si habsami leh u dhaq gacmaha marar badan.
• Markii aad qufactid ama hindhistid isticmaan gacanta xagasheeda ama warqada lagu diifsado kuna tuur bacda qashinka..
• Shaqada ama iskuulka ka joog inta uu feber ku haayo

 

Se film om hur influensa smittar

 

Daaweynta

Termometer, vatten och febernedsättande medicinHargebka iskiis ayuu iskaaga tagaa, laguma daaweyn karo antibiyootiga. Sida ugu fiican waa in aad nasataa oo aad biyo badan cabtaa. Si ay u yaraato dhibaatada waxaa fiican in loo jiifsado madaxa oo xooga kor loogu qaado barkinta ama wax kale, qaado daawooyinka xanuun baabi’yaha iyo qandho jabiyaha. Hadii uu aad kuu xiran yahay sanka waxaad isticmaali kartaa daawada sanka lagu buufiyo.

 

 

 Goormee daryeel raad sanaayaa?

Waad inaad la xiriirtaa rugaha caafimaadka hadii aad

• leedahay qandho badan oo aan hoos udhaceynin saddax ilaa shan maalmood ka dib
• leedahay feber (qandho) marka hore hoos udhacay kadibna bilaabo inuu kor u kaco
• si aad u xumaatay si deg deg ah
• neefa ay ku dhibeyso markii aad nasaneysid.
Hadii aad ka tirsan tahay jiroolayaasha ama aad qabto duray, waad inaad la xiriirtaa xarumaha caafimaadka sida ugu dhaqsiyaha badan, gaar ahaan hadii aadan horey u qabin talaalka hargebka ama durayga.

Waxaad waci kartaa marwalbo xarumaha la talinta caafimaadka, telefanka talo bixin 1177. Wax bada ka akhriso Vårdguiden.

Dadka Jiroolayaasha ah waxaan kula talineynaa iney is talaalaanDadka Jiroolayaasha ah waxaan kula talineynaa iney is talaalaan

Hargebka qatar uma wada aha intooda badan, laakin waxaa uu keeni karaa cudur kale oo khatar ah sida caabuqa sanbabka nomooniyada iyo caabuqa sanqada. Waxay noqon kartaa khatarnnolosha ku timaada qofkii awooda difaaca jirka hooseeyo sabab waayeelada ama watiga dheer jiranaa. Sidaas darteed waxaan kula talin laheen dadka loo tiriyo in ay yihiin jiroolayaasha in ay sanad walbo qaataan talaalka. La xiriir dhaqtarkaaga hadii aad waajib tahay in aad istilaasho.

 

 

 

Xigashada iyo filikaba: Vårdguiden www.1177.se

Etiketter: , , , , ,

Kommentarfunktionen är stängd